WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar  ayaa waxay kulan muhiim ah la qaateen danjiraha dalka Talyaaniga  Amb. Alberto Vecchi.

Danjiraha ayaa xusay kaalinta ay ku leedahay Talyaaniga  mashaariicda horumarineed ee wadamada EU-da ka fuliyaan dalka, ahmiyad gaar ahna siin doonaan wada shaqaynta Golaha sharci dejinta.

Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa uu Safiirka dalka Talyaaniga ee Soomaaliya uu soo hadal qaaday in dowladda Talyaaniga ay soo dhoweyneyso  gabadhii ugu horreysay oo noqata Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha ayaa ammaanay doorka horumarineed ee lama ilaawaanka ah ay  ku leeyihiin dowladda Talyaaniga Dowlad dhiska dalka in uu yahay mid soo jireen ah oo Taariikh facweyn ku leh dalka iyo dadka  Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga
To Top