WARARKA SOOMAALI

Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka ee WHO oo dib loo doortay

Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxaa ay mar kale u codeeyeen in uu Agaasimaha Guud ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus xilkaasi sii hayo 5ta sano ee soo socota.

Qoraal lagu daabacay Websaytka WHO ayaa lagu xaqiijiyey in Dr. Tedros loogu codeeyey muddadii uu Shirweynihii 75-aad ee Golaha Ururka Caafimaadka Adduunka ku yeesheen Xaruntooda Dhexe oo ku taalla magaallada Geneva ee dalka Switzerland.

Xilkaasi ayaa waxa uu hayey tan iyo sanadkii 2017-kii.

Dhinaca kale, Kulan ay Guddiga fulinta ee WHO (The WHO Executive Board) yeesheen bishii January ee sanadkan ayey isla qaateen inuu Dr. Tedros isku soo taago Xilli Labaadka hoggaamintiisa ee WHO.

Bisha August 16-da ee sanadkan 2022-ka ayey si rasmi ahaan ah ugu bilaaban doonta meertada labaad ee xilka Agaasimaha Guud ee Ururka WHO.

Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka ee WHO oo dib loo doortay
To Top