WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay Shirka Maanta Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolkan Banaadir uga furmay Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiye Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uusan aqoonsaneyn Aqalka Sare, isla markaana aan wax tixgelin siin Aqalka, maadaama Aqalka uu dhex-dhexaadi yahay, sida ku cad Dastuurka dalka.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cabdi Xaashi inuu aad uga xun yahay Shirka Maanta Madaxda uga furmay Magaalada Dhuusamareeb, taasina ay cadeyneyso in Madaxweyne Farmaajo aqoonsaneyn nidaamka la qaatay ee Federaalka iyo in uusan fahamsaneyn in Somaliland maqan tahay.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ay u doorteen inuu noqdo Wakiilka arrimaha Somaliland, maadaama uu yahay Mas’uulka ugu sarreya ee kasoo jeeda halkaas ee ku sugan Magaalada Muqdisho, uuna u joogo Metelaada Somaliland.

Guddoomiye Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa maalmo kahor Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ka dalbaday inuu ka qeyb galo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada uga furmay Magaalada Dhuusamareeb, in kastoo aan looga soo jawaabin dalabkaas.

SOMALI NEWS

To Top