WARARKA SOOMAALI

Guddiyada soo xulaya ergada Doorashada laba kursi Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa goor dambe oo xalay ahayd shaaciyay liiska Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa 2 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraastan oo tirsigoodu kala yahay #HOP029 iyo #HOP124 ayaa ka mid ahaa 4 kursi oo jadwal doorashadooda la shaaciyay 15-kii bishan, laguna dooran doono Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Guddiga doorashada ayaa Musharaxiinta ku tartameysa labadaas kursi ku wargeliyay in Maanta oo sabti ah ay tegaan Xarunta Guddiga doorashada, si loo diiwaan-geliyo, isla markaana loo siiyo shahaadada Musharaxtinimo ee tartanka.

Labadan kursi ee Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa in maalinta berri oo Axad ah doorashadoodu ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana doorashada Golaha Shacabka dhammeeynin oo kaliya Jubbaland iyo Hirshabeelle.

 

 

Guddiyada soo xulaya ergada Doorashada laba kursi Golaha Shacabka oo la shaaciyay
To Top