WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Magaalada Garoowe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil sababay dhaawac ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland.

Inta la xaqiijiyay, lix ruux ayaa ku dhaawacmay shilkaas ka dhacay Magaalada Garoowe, wuxuuna shilka si gaar ah uga dhacay bannaanka hore ee Hoteel Curubo, oo ku yaalla dhinaca bari ee Caasimadda Garoowe.

Dadka dhaawacmay ayaa isugu jira rag, dumar iyo carruur, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland.

Xarumaha caafimaadka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in dhaawacyada qaarkood culus yihiin, maalmihii dambe shilalka kala duwan oo geystay khasaaro ayaa ka dhacayey degaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland.

Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Magaalada Garoowe
To Top