WARARKA SOOMAALI

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada Doorashadii Yaasiin Fareey

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa shaaciyay in dacwo laga soo gudbiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#067 oo uu dhawaan kusoo baxay Taliyaha KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga xallinta Khilaafaadka ayaa lagu sheegay in la hakiyey ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee doorashadii uu kusoo baxay Yaasiin Fareey oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku wargeliyay hakinta Natiijada doorashada kursiga HOP#067 illaa inta Guddiga Khilaafaaadka go’aan kaga gaarayo dacwada laga soo gudbiyey kursigaas oo uu kusoo baxay Yaasiin Fareey.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay inay baaritaanka caddeymaha, dhageysiga dhinacyada ay khuseeyso dacwada iyo Go’aanka kama dambeysta ee dacwada ay kusoo gaari doonaan muddo 7 maalmood.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada Doorashadii Yaasiin Fareey
To Top