WARARKA SOOMAALI

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo si bareer u dilay Dhalinyaro ku sugneyd…

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo lagu eedeeyay inuu dilay laba ka tirsan ciyaartooyda magaaladas, kaddib markii uu rasaas ku furay garoon ay ku ciyaarayeen.

Labada wiil ee geeriyooday ayaa ahaa dhalinyaro magalada laga yaqaano oo lagu kala magacabi jirey Zakariye Axmed Gaarane iyo Sharma’arke Cabdul, iyagoona u dhintay rasaas uu ku furay Askariga ka tirsan dowladda.

Maamulka degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka ayaa soo xiray askarigii geystay dilkaas, waxaana socdo wadahadallo looga xaalayo xalinta arinkaas.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhacdadan, waxaase socda baaritaano dheeraad ah oo ay haatan wadaan saraakiisha ammaanka ee Beled-xaawo ee Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Askarta dowladda Federaalka ayaa xiliyada qaarkood si bareer ah rasaas ugu fura dadka shacabka ee aan waxba ka galabsan, iyagoona falalkaas inta ka geysta gudaha Magaalada Muqdisho iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolada dalka…

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo si bareer u dilay Dhalinyaro ku sugneyd…
To Top