SOMALI NEWS

Guddiga Doorashooyinka oo qabanaya doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka

Guddiga doorashooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa manta qabanaya dooarshada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo horay loo shaaciyay.

Doorashada ayaa manta ka dhici doonta magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan sidoo kalena ah Degaan doorashada labaad ee maamulkaasi Hirshabeelle.

Guddiga Doorashada ayaa haray U diiwaangeliyay guddiga Xulista Ergada iyo murashaxiintii u tartamaysa  kursiga HOP#004, waxaana loo ballamaty in manta la qabto doorashadiisa.

Kursigaas ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adage ee musharxiinta saameynta leh ay ay ku tartami doonaan, waxaaana wararku sheegayaan in ay u taagan yihiin ilaa iyi shan musharax, oo dhamamantood doonaya in ay helaan kursigaasi.

Xubnaha ku tartamaya ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiin xilal ka haya Hirshabeelle iyo kuwo horay xilal sar-sare kasoo qabtay maamulkaasi.

horay Guddiga ayaa u Sheegay inay 14kii bishaan  oo Manata ah aay qabanayaan Afar kuris oo kala ah HOP135 HOP11 HOP63 HOP004 Hayeeshee buuq katagaan kuraasta kale ayey Guddiga Sheegeen inay kusoo kormariyeen Kursiga HOP004 oo beesha aay ka heshiisay, Madaamo aysan inta kale Xal laga Gaariin buuq dhanka Reeraha Awgeed Qeybsiga Eragada,

Guddiga Doorashooyinka oo qabanaya doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka
To Top