SOMALI NEWS

Galmudug oo soo saartay jadwalka doorashada 3-da kursi ee u dambeysa

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyey liiska xubnaha guddiga ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta kala ah:

HOP#018

HOP#021

HOP#020

3-daan kursi oo ah kuwii u dambeeyey xubnaha Galmudug ka soo gelaya golaha shacabka ayaa doorashadooda la qabanayaa 15-03-2022, oo ah maalinta u dambeysa waqtigii loo asteeyey in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada.

Sida ku cad warqadda jadwalka seddaxda kursi laba ka mid ah waa qoondo dumar, halka kursiga soo haray uu yahay mid u furan inay u tartamaan rag iyo dumar intaba.

Galmudug oo soo saartay jadwalka doorashada 3-da kursi ee u dambeysa
To Top