WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Somaliland oo Codsi u diray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Guddiga Maamulka Doorashada Gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi inay u soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Guddiga oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddiga Khadar Xariir Xuseen ayaa waxaa lagu sheegay in iyada oo la raacayo heshiiskii doorada ee 17-September lana raacayo Shaxda doorashada ay deg deg codsigaas dirayaan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Guuleed ayaa dhawaan ka heshiiyay khilaaf la xiriiray Maamulka doorashada Somaliland, waxaana dhammaan is Cafiyey siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Hoos ka Akhriso Warqadda

SOMALI NEWS

To Top