WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada oo Baaq Deg-deg ah u diray Musharaxiinta Madaxweynaha

Guddiga isku dhafka ee doorashada Madaxweynaha ayaa farriin xusuusin ah Goor dhow u diray Musharaxiinta u tartamaya xilka  Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo wada diyaar garoowigii ugu dambeeyay.

Guddiga doorashada ayaa Musharaxiinta Madaxweynaha ku wargeliyay inay Teendhada Afisyooni kasoo galaan Albaabka MADINA GATE, halkaas oo Guddiga sheegay in loogu tala-galay inay kasoo geli karaan oo kaliya Musharaxiinta Madaxweynaha.

 “XUSUUSIN MUHIIM AH. Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan murashaxiinta Madaxwaynaha JFS in MADINA GATE ayaga oo keli ah  loogu talo galey in ay ka soo galaan, halkaasna ay ka soo galbin doonto ATMIS ayadoo isticmaaleysa gawaari VIP gaar ah” ayaa lagu yiri farriinta loo diray Musharaxiinta.

Doorashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni, waxaana Caasimadda ka socda ololihii ugu dambeeyay oo ay wadaan Musharaxiinta.

Guddiga Doorashada oo Baaq Deg-deg ah u diray Musharaxiinta Madaxweynaha
To Top