WARARKA SOOMAALI

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya oo Maanta dhaceysa

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah ka dhaceysa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Doorashada Madaxweynaha dalka ayaa waxaa ku tartamaya 37 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha oo ay ku jiraan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Ra’iisul Wasaare hore iyo Musharaxiin kale.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo ka kooban 329 Xildhibaan ayaa u coddeyn doona Musharaxiinta ku tartamaya xilka Madaxweynaha, isla markaana dooran doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee afarta sanno ee socota hoggaamin doona dalka Soomaaliya.

Doorashada ayaa saacadaha soo socda si toos ah uga bilaabaneysa howlka Teendhada Afisyooni oo loo diyaariyay inay ka qabsoonto doorashada, waxaana halkaas tegaya Musharaxiinta, XIldhibaanada labada Aqal, qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, diblomaasiyiin farabadan iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay doorashada dalka.

Ammaanka Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana amniga lagu wareejiyay Ciidanka ATMIS oo kaashanaya kuwa Booliska dowladda oo ku shaqeyn doona amarada Guddiga doorashada iyo Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya oo Maanta dhaceysa
To Top