WARARKA SOOMAALI

Ganacsade Caan ah oo ka tirsan AMAL BANK oo lagu dilay Kismaayo.

Kismaayo (HM)-Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in lagu diley maanta mid ka mid ah ganacsatada ku nool magaaladaas.

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa ku dishay xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo Maamulihii shirkadda xawaalada Amal ee magaalada Kismaayo Cabdullaahi Shigshigoow.

Raggii ka dambeeyay dilka ayaa la sheegay inay baxsaddeen iyadoo goobta uu falka dilka ah ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland, kuwaas oo halkaasi ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Falalka dilka ayaa ah mid ku soo badanayo magaalada Kismaayo iyadoo dilkan uu yahay mid dadweynaha ku nool magaalada ay aad uga naxeen maadaama qofka la diley uu ka mid ahaa ganacsatada caanka ah magaalada isla markaana uusan ku lug lahayn arrimaha siyaasada.

SOMALI NEWS

To Top