WARARKA SOOMAALI

Farmaajo oo mar kale Shir Deg-deg ah isugu yeeray Madaxda M/Goboeedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale shir deg deg ah isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhici doona Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in 4-ta bishaan Maarso 2021 Farmaajo martigelinayo munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka.

Kulanka oo hal maalin soconaya ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soo baxay shirkii Baydhabo, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay saqdii dhexe ee xalay Madaxtooyadda shirkana loogu baaqay maamulada iyo Gobolka Banaadir.

Jubbaland iyo Puntland ayaa horey shuruudo dhowr ah ku xiray ka qeyb galka shirkii dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo, isla markaana dalbaday in shirka kasoo qeyb galaan Beesha Caalamka iyo Musharaxiinta.

Beesha Caalamka ayaa dadaaal xoogan ugu jirto sidii Madaxda dowladda Federaalk Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banadir ay heshiis uga gaari lahaayeen khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

SOMALI NEWS

To Top