WARARKA SOOMAALI

Farmaajo iyo Musharaxiin kale oo Maanta khudbadahooda u jeedinaya Baarlamaanka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maalintii labaad dhageysan doona hadal-jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

19 Musharax ayaa khudbadahooda kahor jeedinaya Xildhibaanada labada Aqal, iyagoo uga hadlaya sooyaalkooda, waxyaabaha lagu dooranayo iyo balanqaadyada ay sameynayaan Musharaxiinta tartamaya.

Musharaxiinta Maanta hadalka jeedinaya ayaa waxaa ku jira Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxeyneyaashii hore ee dalka, Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ah Musharax Madaxweyne iyo Musharaxiin kale.

Shalay ayaa waxaa Xildhibaanada khudbadahooda u jeediyay 20 Musharax oo ay ku jireen Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, C/raxmaan C/shakuur, Daahir Geelle iyo Musharaxiin kale oo badan, iyada oo 15 daqiiqo lasiiyay Musharax kasta.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa saacadaha soo socda tegaya Teendhada Afisyooni, si u dhageystaan khudbadaha ay u jeedin doonaan Musharaxiinta, waxaaan doorashada Madaxweynaha ay dhaceysaa 15-ka May 2022.

Farmaajo iyo Musharaxiin kale oo Maanta khudbadahooda u jeedinaya Baarlamaanka
To Top