WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha Qarax Maanta ka dhacay Muqdisho

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa ruux isku soo xirtay Jaakad laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Bar-koontorool oo kutaalla Agagaarka Isgoyska km4 gaar ahaan Ciidanka NISA ee ku sugan halka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xilliga qaraxa dhacayay ayaa goobjoogayaal sheegeen in Barta koontorool ay ku sugnaayeen gaari uu saarnaa Taliyihii Saadka ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal Garabey, Wasiirka Haweenka Xaniifo Xaabsade iyo gudoomiyaha degmada Warta-Nabadda Saynab Xaabsey iyo masuuliyiin kale.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa Afar Ruux oo laba askar yihiin, qof Shacab ah iyo Ninkii naftiisa haligay walow khasaaraha intaasi uu kasii badan karo maadaama dhaawacyo qaarkood culus yihiin la geeyay Isbitaallada.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo qaraxa ka hadlay ayaa sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa 7 Ruux, waxaana uu kusoo beegmay xilli Teendhada Afisiyooni ay Xildhibaannada labada Aqal ku dhageysanayeen khudbadaha musharrixiinta labada Aqal.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha Qarax Maanta ka dhacay Muqdisho
To Top