WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Qof shacab ah oo Qarax lagula beegsaday Koonfurta Mudug

Faah faahino ayaa laga helayaa qarax galabta ka dhacay tuulada Bajeyle oo u dhow deegaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxaana qaraxaas lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo uu watay Nin la sheegay inuu shacab ahaa.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aasay, isla markaana waxaa ku dhintay Ninkii gaariga qaraxu qabsaday waday oo lagu magacaabi jiray  Cabdishakur Qoordheere oo Meydkiisa laga qaaday goobta, si loo aaso.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in gaariga uu kusii jeeday Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kadib markii gaarigaas laga soo dejiyay dekadda Magaalada Hobyo oo dhawaan Markab uu keenay.

Qaraxaan ka dhacay tuulada Bajeyle ayaa waxaa kusoo aaday, iyada oo xalay Al-shabaab gubeen Guryo ku yaallay deegaanka Cadalle ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxaana halkaas tegay rag maleeshiyaad Macwiisley ah oo howlgalo ka sameeyay…

Faah faahin: Qof shacab ah oo Qarax lagula beegsaday Koonfurta Mudug
To Top