WARARKA SOOMAALI

DAAWO: RW Rooble oo sheegay inuu Cadaalad u raadinayo Marxuumad Aamina Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in hal meel laga soo abaabulay dilalka loo geystay Ikraan Tahliil iyo Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi.

Rooble ayaa hadalkan ka sheegay kulan xalay ka dhacay Muqdisho oo loogu duceynayay Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxyadii dhawaan lagula beegsaday magaaalada Baladweyne.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo marxuumad Aamino ay ka wada shaqeynayeen sidii cadaalad u heli laheyd Ikraan Tahliil, balse waxaa uu xusay nin kiiskaas la siyaasadeeyey, loogana baxay taasoo uu wax laga xumaado ku tilmaamay.

Rooble ayaa sheegay in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe uu la soo xariiray intii uusan dhicin weerarka lagu dilay Aamino.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: RW Rooble oo sheegay inuu Cadaalad u raadinayo Marxuumad Aamina Cabdi
To Top