suugaan

Faah faahin kasoo baxeysa Guddoomiye Degmo oo la dilay

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidnimadii dil u geystay guddoomiyihii degmada Bali-dhidin ee Gobolka Bari sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Marxuum Maxamed Axmed Muumin ayaa waxaa rasaas ku furay rag ku hubeysnaa bastoolado oo ku sugayey banaanka hore ee masaajid ku yaalla degmadaas oo uu salaadii cishaha ku soo tukaday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in marxuumka uu isla goobta ku dhintay, iyadoo ay baxsadeen raggii dilka geystay.

Lama oga cida ka dambeysay dilkan inkastoo loo badinayo iney fuliyeen kooxo ka tirsan Daacish oo ku sugan meelo aan ka fogeyn degmada degmada Bali-dhidin

Ciidamadii Puntland ee degaankaas ku sugnaa ayaa la sheegay iney isaga tageen maalmo ka hor, sababo aan la ogeyn awgood sida ay ku warameen dadka degaanka.

SOMALI NEWS

To Top