WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Dilal khaarijin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay waxaa degmada Wartanabadda ee Gobolkan Banaadir ku dileen laba Dhalinyaro ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka kunool degmadaas, iyaga oo dilalka kadib goobta ka baxsaday.

Dilalka oo dhacay saacado kala duwan ayaa labada dhalinyarada ah ee la dilay waxaa kamid ahaa Wiil lagu Magacaabi jiray Cabdinuur Cabdullaahi Warsame, waxaana sababaha dilkooda lagu sheegay inay ka dambeeyeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanaya.

Meelaha ay dilalka ka kala dhaceen ee degmada Wartanabadda ayaa waxaa tegay Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilalkaas.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay waxaa lagu dilay tobaneeyo dhalinyaro ah, kuwaas oo sababsaday Kooxo Burcad ah oo doonayay inay ka dhacaan Mobeeladooda iyo wixii kale oo ay wataan.

 

Faah faahin kasoo baxeysa Dilal khaarijin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
To Top