WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraasta ugu dambeysa Golaha Shacabka ee Kismaayo oo Maanta dhaceysa

Guddiga maamulka doorashooyinka ee dowlad Goboleed Jubbaland ayaa Maanta lagu wadaa in ay soo gaba-gabeyaan doorashada labadii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taallo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Guddiga ayaa shalay Shahaadada musharaxnimo waxa ay guddoonsiiyeen musharaxiinta u tartami doono labada ee manta lagu qabanayo Magaalada kismaayo,waxan kursatan oo kala ah.

Hop#219 ayaa waxa ku wada tartami doono Roodo Carab Cabdi iyo Faadumo Cabdi Cali

Hop#133 aya isna ay ku tartami doonaan Maxamuud Axmed Xasan iyo  Maxamed Xasan Aadan.

Jubbaland ayaa hadii labadaan kursi la qabto waxa ku harayo 16- kursi ee taallo Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo oo ka jirto caqabad siyaasadeed, mana jiro weli xal laga gaaray arrintaas.

Doorashada kuraasta ugu dambeysa Golaha Shacabka ee Kismaayo oo Maanta dhaceysa
To Top