WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Sarkaalka ay toogasho ku dileen rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolad, isla markaana waxaa uu dilkaas si gaar ah uga dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Magaca Saraalka la dilay ayaa waxaa lagu sheegay Cabdi Warsame oo ahaa taliyaha ciidanka Minishiibiyada ee Waaxda Taleex, waxaana is rasaaseyn kooban ay dhexmartay qaar  kamid ah ilaalada Sarkaalka iyo dableydii dilka khaarijinta fulisay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa falka kadib goobta tegay, iyagoo halkaas ka qaaday Meydka Sarkaalka, sidoo kalena sameeyay howlgal lagu baadi goobayay raggii weerarka soo qaaday.

Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan, waxaana inta badan falalkaas sheegta Al-shabaab.

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho
To Top