WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Midowga Afrika oo Maanta furmaya

Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika kaas oo looga hadlayo argagixisanimada iyo isbedelada aan dastuuriga ahayn ee dowladda.

Bilawga shir madaxeedkan ayaa ku beegan maalinta Afrika oo sanad walba la xuso xuska aas aaska ururka midowga Afrika oo la aas aasay 25 May 1963. Waa aasaaskii ururka midowga Afrika (AU).

Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ayaa daba socda shan afgambi oo Afrika ka dhacay tan iyo sanadkii 2021, iyadoo kiisas argagixiso ay ka dhaceen gobollo iyo dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Saaxil, Soomaaliya, Angola iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo kuwo kale.

Kulamada ka hor, waxaa magaalada Malabo gaaray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana qaabilay madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya labada dal.

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Midowga Afrika oo Maanta furmaya
To Top