WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Marka iyo xiisad ka taagan

Faah faahino ayaa laga helayaa maleeshiyaad  hubeysan oo xalay gudaha Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugida Maamulka degmadaas Marka…

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dilka loo geystay Askariga uu salka ku haayo arrimo la xiriira aano, waxaana Askariga la dilay lagu magacaabi jiray Mukhtaar Xaankeey.

Marka ayaa waxaa saaka ka taagan xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo hubeysan oo dhowr mar dad iska dilay, sidoo kalena horey ugu dagaalamay gudaha Magaalada Marka ee Shabeellaha Hoose.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaalada Marka ee Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan dilka loo geystay Askariga iyo xiisada ka dhalatay falkaas ee ka taagan Magaalada..

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Marka iyo xiisad ka taagan
To Top