WARARKA SOOMAALI

Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya Afar kursi Doorasho oo la shaaciyay

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa shaaciyey magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa lagu soo bandhigay Liiska Magacyada Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo xuleysa ergada wax dooraneysa, kuwaasi oo soo dooranaya kuraasta afarta ah.

Doorashada kuraastan ayaa dhici doonta maalinta berri oo Arbaco ah, iyadoo lagu qaban doono Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Guddiga doorashada uu waa diiwaan-gelinta Musharaxiinta.

Maamulka Galmudug ayaa noqon doona Maamulka saddexaad ee dardar-geliya doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya..

Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya Afar kursi Doorasho oo la shaaciyay
To Top