Dab xooggan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa xalay ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybaha lagu iibiyo maacuunta, harqaanlayaasha Tafaariiqda, Dahabka iyo Malabka.
Dabka oo socday saacado xiriir ah ayaa lagu guuleystay demintiisa abaare 1:30am saq dhexe ee xalay, waxaana deminta dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha iska kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo gaadiidka dab demiska ee Shirkaddaha gaarka loo leeyahay.
Qaar kamid ah Ganacsatada lahaa goobaha Ganacsi ee hubtay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkii xoogganaa uu baabi’iyey goobo farabadan oo Ganacsi, isla markaana lagu waayay hanti farabadan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi oo ku sugnaa goobta Dabku ka kacay ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta dahablaha ayaa ciidanka amniga ee Booliska faray in ay sameeyeen feejignaan dheeri ah inta lagu jiray deminta dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha.
Warar la helayo ayaa sheegaya in dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha uu markiisii hore ka bilowday koronto ku jirtay goob maqaayad ah, Si kastaba dhowr jeer oo hore ayaa waxaa sidaan oo kale Suuqa Bakaaraha uga kacay dabab geystay khasaaro hantiyadeed.