WARARKA SOOMAALI

Xiisad taagan iyo socdaalkii Wasiirka Difaaca Sweden ee Turkiye oo la baajiyey

Wasiirka Difaaca Qaranka dalka Turkiye, Hulusi Akar ayaa maanta ku dhawaaqay in la joojiyey Socdaal uu dhigiisa dalka Sweden, Pal Jonson uu bishan January 27-da ku tegi lahaa Caasimadda dalkaTurkiye ee Ankara.

Wasiir Hulusi Akar ayaa waxa uu maanta u sheegay Suxufiyiinta in Go’aankaasi la qaatay, kadib, markii ay Dowladda Sweden fasaxday Dibadbax ballaaran oo la qorsheynayo in laga dhigo afaafka hore ee dhismaha Safaarada Turkiye ku leedahay Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Turkiye waxay shalay oo Jimco ahayd u yeertay Safiirka Swedish u jooga Ankara, Staffan Herrstrom, iyadoo loo gudbiyey Ashtako ka dhan ah dowladiisa oo oggolaatay in Dibadbax maanta oo Sabti ah  laga dhigo banaanka Dhismaha Safaarada Turkish ku leeyihiin Caasimadda dalkaasi ee Stockholm iyo inay Dibadbaxyaasha  ku hor gubaan Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka

Safiirka ayaa waxaa loo sheegay inaysan Turkiye aqbali doonin dembiyada Nacaybka ee ay Dowladda Sweden oggolaatay dibadbaxaasi oo xadgudubka cad ku ah Heshiiskii Saddex Geesoodka ee ay Dowladaha Turkiye, Sweden iyo Finland kala saxiixdeen.

Dowladaha Sweden iyo Finland waxay si Rasmi ahaan Codsiga Xubinnimada Isbahaysiga NATO  bishii May ee sanadkii hore ee 2022-kii,  iyadoo Dowladda Turkiye oo xubin ka ah Isbahaysiga NATO ay Shuruudo Adag  ku xirtay inay Sweden iyo Finland ku soo biiraan Isbahaysiga Milliteri ee NATO.

 

Xiisad taagan iyo socdaalkii Wasiirka Difaaca Sweden ee Turkiye oo la baajiyey
To Top