WARARKA SOOMAALI

Faah faahin:-Al-shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fulisay gudaha Kenya

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisin ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari dalkaas, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.

Degaanka Sheekh Barrow ee duleedka Mandhera oo ah goobta weerarku ka dhacay ayaa waxaa la isku weydaarsaday rasaas rasaas culus sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan degaanka.

War Al-Shabaab ay ka soo saartay weerarka ayey ku sheegteen inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya iyo askar kale ayna ku dhaawaceen ciidamo kale.

Saraakiisha ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari weli kama hadlin weerarkan oo qeyb ka ah weeraro joogto ah oo Al-shabaab sanadihii la soo dhaafay ka waday gudaha Kenya.

SOMALI NEWS

To Top