WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo xidhay garoonka Diyaaradaha ee Beledweyne iyo Sababta-Akhriso

Muqdisho (HM) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si KMG ah oo loo xidhay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kadib markii ay booqdeen guddiga xaqiiqo raadinta ee loo diray inay soo qiimeeyaan shilkii diyaaradeed ee maalintii Taaladada ka dhacay gudaha garoonkaasi.

Axmed Macalin Xasan agaasimaha duulista rayidka Soomaaliya oo ka mid xubnaha booqday garoonka Ugaas Khaliif ayaa sheegay inuu sii xidhnaan doono garoonka, inta uu ka socda baaritaanka lagu hayo waxa sababay diyaaraddii ku burburtay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ku guulaysteen in ay diyaaradda ka soo bixiyaan labada santuuq ee kaydisa xogta,  halkaasna laga ogaa doono waxa sababay shilka diyaaradeed ee ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ad by Valueimpression

Agaasimaha duulista rayidka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay wax ka bedali doonaan howlaha garoonkaasi, islamarkaana ay geynayaan shaqaale iyo qalab.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la shaaciyey in shilkii diyaaradeed ee dhowaan ka dhacay garoonka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu sababay Dameer soo galay dhabaha loogu-talagay inay diyaaradaha ku ordaan.

Horufadhi News

Ugaas Khaliif, Garoonka Diyaaradaha Beledweyne, Hiiran, Somalia.
@Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top