WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo gabi ahaanba joojisay duulimaadyadii Kismaayo tagi jiray.

Muqdisho (HM)-Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saaray amar ah in gebi ahaanba la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Kismaayo muddo 3 maalmood ah oo maanta ka bilaabaneysa.

Amar ka soo baxay Hey’adda ayaa lagu wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo.

Sidoo kale waxaa Maamulka tilmaamay in marka ay dhamaato mudada xanibaada saaran tahay la fasixi doono duulimaadyada.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in dowladda si rasmi ah u joojisay duulimaadyadii Kismaayo tagi jiray, sababo la xiriira in aanay magaaladaas tagi wafuud ka qeyb galeysa xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka sheegtay in aanay aqoonsaneyn.

Maalintii shalay ayay aheyd markii diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd Sheekh Shariif , kuna soo jeeday magaalada Kismaayo laga hor-istaagi, kaddib amar ka soo Hey’adda Duulista Hawada, kaasoo ahaa in diyaaradaha ay fasax soo weydiistaan muddo 24 saac ka hor.

SOMALI NEWS

To Top