WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo digniin culus kasoo saartay roobab dabaylo wata & deegaanada halista ugu jira.

Muqdisho (HM)-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay roobab dabeylo wata oo ku soo wajahan qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.


War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka  ayaa lagu sheegay in dabeylaha la filan karo inay dhacaan saacadaha soo socda, si gaar ah gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Meelaha laga cabsi qabo in dabeylahan saameeyaan ayaa waxaa ka mid ah deegaanada xeebta dhaca ee Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose, waxaana loogu baaqay dadka ku dhaqan deegaanada xeebaha iyo kalluumeysata doomaha isticmaala inay ka feejignaadaan.

Halkan hoose ka akhriso:-

SOMALI NEWS

To Top