WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inuu Dameer sababay Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Beledweyne-Akhriso

Muqdisho (HM) – Mas’uulkii labaad oo Soomaali ah ayaa isbuuc gudahii mar kale beeniyay warar ay qoreen  Wargeysyada dalka Kenya oo la xidhiidha in diyaaraddii xamuulka aheyd oo 14-kii bishaan ku bur-burtay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne uu sababay dameer soo galay waddadii ay ku carari laheyd.

Wargeyska ka faallooda arrimaha dhaqaalaha ee hoostaga shirkadda warbaahinta Nation ee Business Daily  ayaa mar kale jimcadii maanta daabacay in dameer daaqayay dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan uu sabab u ahaa iney burburto diyaaraddaas.

Qoraaga sheekada ayaa waxa uu sidoo kale uu qoray xog hor-u-dhac ah oo uu sheegay inuu ka helay hay’adda duulista rayidka ah oo la xiriirta baaritaannadii lagu sameeyay sababaha keenay bur-burka diyaaradda.

Sidoo kale marki ay diyaaradu burburtay halmaalin kadib isagana wargeyska Kenyans.co.ke  ee Kenya ayaa isaguna qoray in shilkaasi uu sababay Dameer isaga oo soo xiganaya Masuuliyiin.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Xasan oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa beeniyay warka ah in shilka diyaaradda uu sabab u ahaa dameer daaqayay dhabbaha diyaaradaha  ee garoonka ugaas Khaliif.

 “Ma garan karo halka xogtaasi uu ka keenay wargeyska Business Daily iyo cidda ay tahay iney ku dhow dahay baaritaannadii la sameeyay, balse waxaan idiin caddeyn karaa in weli baaritaannadii ay socdaan, warbixin la sii daayayna aysan jirin” ayuu maareeye Axmed Macallin sheegay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top