WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo War kulul kasoo saartay weerar dad lagu laayay oo ka dhacay…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qaraxyo aad u xoogan oo gelinkii dambe ee Arbacada 30 December ee sanadkii 2020 lagu weeraray Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo ku qornaa luuqada Carabiga ayaa waxaa lagu sheegay inay Cambaareynayan weerarkii l Argagixisimo, ayna garab taagan yihiin Xukuumadda Cadan iyo shacabka Yemen.

Dowladda ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dhammaan dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Garoonka diyaaradaha Cadan, iyadoo Caafimaad Deg-deg ah u rajeysay dadkii dhaawacyada soo gaareen.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay xaqiijinaysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay garab taagantahay Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Yemen” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xukuumadda Somalia.

Qaraxyo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Garoonka diyaaradaha Cadan ee Yemen, xili ay dagayeen Golaha Wasiirada dalkaas, waxaana marka qura Garoonka qabsaday uuro iyo holac.

In ka badan 20 qof ayaa ku naf-waayay qaraxyada oo si gaar ah loola beegsaday qeybta ay ka dhoofan dadka baxaya ee Garoonka diyaaradaha Cadan, waxaana ku dhaawacyo kala duwan soo gaaray dad shacab ah oo xiligaas ku sugnaa Garoonka.

SOMALI NEWS

To Top