WARARKA SOOMAALI

Dowladda Sacuudiga oo xayiraad kusoo rogtay dalal ay ku jirto Somalia iyo sababta keentay

Sacuudi Carabiya ayaa xayiraad duulimaad ku soo rogtay Soomaaliya, ayada oo dadka ka imanaya Soomaaliya ka mamnuucday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe.

Ilaa 16 dal ayay dowlada Sucuudiga dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan dalkeeda, kadib markii kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya gudaha Sucuudiga.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyadda Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in sababta dalalkaan dadka ka imaanaya looga mamnuucay Sacuudiga ah mid la xiriirta Cudurka COVID19 oo mar kale xoogeystay.

Marka laga soo tago Soomaaliya, 15-ka dal ee kale ee liiska ku jira ayaa kala ah; India,Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, , Vietnam, Armenia, , Venezuela iyo Belarus.

Dowladda Sacuudiga oo xayiraad kusoo rogtay dalal ay ku jirto Somalia iyo sababta keentay
To Top