WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo Dhagxaan ku xirtay isgoys muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan hay’addaha amniga ayaa habeenkii xalay aheyd dhagxaan waaweyn ku xiray Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho oo kamid ah Isgoysyada ugu mashquulka badan Caasimadda.

Dhagxaanta waaweyn ayaa la dhigay bartamaha laamiga Isgoyska Dabka, kadib markii halkaas dhagxaanta lagu geeyay gaadiid waaweyn, iyadoona dowladda aysan ka hadlin sababta xiligaan halkaas loo xiray.

Sawirro laga soo qaaday Isgoyska Dabka ayaa muujiyay in meesha ay ka baxday gaadiidkii ka imaan jiray dhinaca Suuqa Bakaaraha ee tooska ugu gudbi jiray degmada Waaberi ama aadi jiray dhinaca Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho.

Dhagxaanta la dhigay Dabka ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyadoo shalay gaari NOHA oo xoog kusoo baray Bar Koontarool oo Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya halkaas ku leeyihiin uu isku qarxiyey Isgoyska Sayidka halka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Qaraxaas ayaa geystay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dad shacab ah, sidoo kalena waxaa ku burburay gaadiid isugu jiray Baabuur iyo Mooto Bajaaj, sida uu shaaciyay Taliska Ciidanka Booliska dowladda.

Si kastaba dowladda Federaalka ayaa horey waddooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho oo muddo ay ku xirnaayeen Dhagxaan waaweyn ka qaaday, dibna u furay, kadib markii xilka loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

SOMALI NEWS

To Top