WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo Ciidamo farabadan ka dejisay Magaalada Baladweyne & ujeedka

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta ka degtay diyaarad sidday Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor.

Ciidamada ayaa waxaa laga qaaday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana markii laga dejiyey Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Saraakiil Ciidan.

Ciidamadan ayaa ah kuwo loo qorsheeyay inay ka qeyb qaataan xoreynta degaannada Gobolka Hiiraan, isla markaana howlgallo ay ka bilaabi doonaan degaanada moqokori , Ceel cali iyo Degaano kale oo Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida aan xogta ku helnay qorsheyneysa in maalmaha soo socda Gobolka Hiiraan u dirto Ciidamo farabadan oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor iyo Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Ciidamada ayaa ka qeyb doona deegaanadii dhawaan Al-shabaab laga qabsaday, Hiiraan ayaa waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda.

Dowladda oo Ciidamo farabadan ka dejisay Magaalada Baladweyne & ujeedka
To Top