WARARKA SOOMAALI

Dowladda Federaalka oo mar kale Amar ku soo rogtay Ganacsatada Muqdisho

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jirbil Abdirashid Haji ayaa  maalmahan waday kulamo uu gaar gaar u la qaadanayey ganacsatada dalka isla-mar-ahaantaana uu gaadhsiinaayey  fariimo, digniino iyo weli ba amaro lagu joojinaayo lacagaha ay ganacsatadu siiso kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa Maanta oo Arbaco ah  waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada wax-soo-dejisa iyo kuwa wax-dhoofiya ee suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad.

Wasiirka oo kulanka ay ku wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Osman Mohamed Abdi (Daalo) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Abdiaziz Ibrahim Adan, ayaa ganacsatada ku amray in la joojiyo lacagaha la siiyo Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, isla-mar-ahaantaana ay la xisaabtami doono cid kasta oo fulin wayda amarka dawladda.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji, wuxu kula dardaarmay ganacsatada inay iskaga fogaadaan nooc kasta oo macaamil ah oo ay la yeelanayaan Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in ciddii lagu qabto falal noocaas ah loo aqoonsan doono inay ka tirsan yihiin Kooxdaas isla-mar-ahaantaana la horkeeni doono sharciga.

Dowladda Federaalka oo mar kale Amar ku soo rogtay Ganacsatada Muqdisho
To Top