Guddiga maamulka doorashooyinka ee dowlad Goboleed Jubbaland ayaa Maanta lagu wadaa in ay soo gaba-gabeyaan doorashada labadii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taallo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Guddiga ayaa shalay Shahaadada musharaxnimo waxa ay guddoonsiiyeen musharaxiinta u tartami doono labada ee manta lagu qabanayo Magaalada kismaayo,waxan kursatan oo kala ah.
Hop#219 ayaa waxa ku wada tartami doono Roodo Carab Cabdi iyo Faadumo Cabdi Cali
Hop#133 aya isna ay ku tartami doonaan Maxamuud Axmed Xasan iyo Maxamed Xasan Aadan.
Jubbaland ayaa hadii labadaan kursi la qabto waxa ku harayo 16- kursi ee taallo Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo oo ka jirto caqabad siyaasadeed, mana jiro weli xal laga gaaray arrintaas.
