WARARKA SOOMAALI

Donald Trump oo sheegay in uusan xilka si nabad ah ku wareejin doonin haddii laga adkaado.

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in diiday inuu xilka si nabad ah ku wareejiyo, haddii laga guuleysto doorashada bisha November ka dhaceysa dalka Mareykanka.

Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa yidhi “Hagaag waa in aan dhammaanteen ka dhur-sugnaa waxa dhici doona”

Waxaa uu si weyn uga soo horjeestay qaabka codeynta doorashada ee dhanka boostada ah.

Inta badan Gobolada Mareykanka ayaa ku baaqay in doorashada ay noqoto qaabka codeynta boostada, si looga baaqsado cudurka saf marka ee Coronavirus.

Trump ayaa dalbaday in meesha laga saaro qaabka codeynta ah boostada ah, haddii kale is qabqabsi uu jiri doono.

“Meesha halaga saaro qaabkan codeynta ah marka waxay u dhaceysa si nabad ah, mana jiri doonto xil wareejin, waxaa jiri doonaa is qabqabsi”ayuu yidhi Trump.

Waxaa uu ku andacoonayaa in qaabkan codeynta  Boostada inuu halis u yahay in wax la is dabamariyo.

Bisha November ee soo socota waxaa dalka Mareykanka ka dhici doona doorasho, iyadoo Donald Trump uu loolan kala kulmay Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden oo ahaa Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Mareykanka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top