WARARKA SOOMAALI

Diyaaradii imaaraadka ee Boosaaso lagu xanibay iyo waxa dhex maray Maamulka Garoonka Boosaaso-Akhriso

Diyaarad laga lahaa wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ugu dambeyntii ka duushay magaalada Boosaaso kadib markii saacado ay ku xayirneyd garoonka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in diyaaradan ay ka qaaday magaalada Boosaaso macalimiin tababaraysay ciidamada Badda ee maamulka Punland kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Saraakiisha ka socotay Imaaraadka Carabta iyo ilaalada garoonka ayaa khilaaf soo kala dhex galay awgeed waxaa ay sababtay in diyaarada saacado ku xayiranto garoonka diyaaradaha.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in tababarayaasha ay ugu dambeyntii oggolaadeen in la baaro boorsooyinka ay wateen ayna reebaan hub ay siteen.

Sidoo kale waxaa wararka ay sheegayaan in loo diiday markab sitey calanka Imaaraadka Carabta in uu hub ka qaado dekeda, waxaana socda wada hadalo arrintan lagu xalinayo.

Khilaafka u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Dowlada Soomaaliya ayaa sii xumaanaya waxaana dhacdadan mid ka horeysay bishan ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho oo lagu qabtay lacag u socotay Imaaraadka Carabta, inkastoo tallaabadaas iyo qaabkii lagula dhaqmay ay aad u cambaareeyeen Imaaraadku

SOMALI NEWS

To Top