WARARKA SOOMAALI

DFS oo taageertay Go’aamadii kasoo baxay Shirkii Laascaano ee Gobolada Khaatumo

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxaa ay ka hadashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhexeeya ciidanka kacdoonka iyo ciidanka Maamulka Somaliland.

Dowladda oo mowqifkeeda ku aaddan arrinta Laascaanood markii ugu horreysay caddeysay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhibaatada iyo xaaladda ka taagan Magaaladaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo shir-jiraa’id qabtay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aankii kasoo baxay waxgaardka Laascaanood ee ku aaddanaa midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in dadka Reer Laascaanood ay iska diidaan gooni isu-taagga Somaliland.

Wasiirka ayaa intaa ku daray inay ku baaqayso Dowladda Soomaaliya in xal lagu dhammeeyo arrintaasi, iyadoo la eegayo midnimada Soomaaliya, waxgaardka labada dhinacna ay heshiis gaaraan kaasi oo lagu joojinayo dagaalka.

Somaliland ayaa duullaan kusoo qaaday magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dadka shacabka ah.

DFS oo taageertay Go’aamadii kasoo baxay Shirkii Laascaano ee Gobolada Khaatumo
To Top