WARARKA SOOMAALI

DAAWO: MW Xasan Sheekh oo taageeray Go’aankii kasoo baxay Shirka Gobolada SSC

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo maalmihii u dambeeyey sababay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay duullaankii ay Somaliland kusoo qaaday Laascaano.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrinta Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed, xalkeedana ay tahay lagu raadiyo deganaan iyo wadahadal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xalka uu ku jiro midnimada iyo in rabitaankooda loo daayo shacabka ku dhaqan Gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu baaq u diray odayaasha dhaqanka,masuuliyiinta iyo dowlad goboleedka Puntland in ay ilaashadaan Nabadda xaliyaana wixii tabashooyin ah lagana fogaado in dhibaato dhacdo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA MW

DAAWO: MW Xasan Sheekh oo taageeray Go’aankii kasoo baxay Shirka Gobolada SSC
To Top