WARARKA SOOMAALI

Deni oo magacaabay agaasimaha Hay,adda Sirdoonka maamulka Punntland-Akhriso

Garoowe (HM)-Madaxweyne maamul gobaleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Mukhtaar Maxamed Xasan waxa uu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Sidda laga soo xigtay wareegto ku taariikheysan 23-ka September oo xafiiska Deni kasoo baxday, Mukhtaar ayaa waxaa lagu xushay Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo.

Hoos ka akhriso bayaanka

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Datuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Puntland ayaa kamid ah laamaha ugu muhiimsan ee amniga, kuwaasi oo kaalin mug ah ku leh xaqiijinta nabad-gelyada iyo dagaalka argagixisada.

SOMALI NEWS

To Top