WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:Taliyaha Ciidamadda Maamulka Puntland oo Rasaas uu riday Caawa ku dhaawacay ku xigeenkiisa iyo Xaaladda Garoowe oo kacsan…

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax ayaa rasaas uu riday ku dhaawacay kuxigeenkiisa Bile C/raxmaan, kaddib muran ka dhashay shir caawa magaalada Garowe ku lahaayeen laamaha ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne uu dhex maray muran, taasoo keentay in Taliyaha Booliska uu la soo baxau rasaas, kadibna uu rido.

Goobta uu falkan ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha la dagaalanka Argagixisada iyo saraakiil kale oo xilliga muranka iyo rasaasta dhaceysa ay shir lahaayeen.

Bile C/raxmaan Taliye kuxigeenka Booliska Puntland ayaa waxaa dhaawaciisa ahaa dhanka lugta ah, waxaana lagu daweynayaa mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Garowe.

Arrintan ayaa aad looga hadal hayaa Garowe, waxaana ay dhalisay xiisad, inkastoo Mas’uuliyiinta Puntland ay arrinta soo galeen, si loo xaliyo.

Bartamihii sanadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kale muran dhex maray Taliyihii hore Booliska Puntland iyo Taliyihii birmadka is rasaaseyn dhex martay ciidamo ay kala wateegn uu ku dhaawacmay Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab, iyadoo sidoo kale dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labada ciidan.

SOMALI NEWS

To Top