WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

Agaasimaha KMG ee hay’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Wareegto uu soo saaray Taliye Bashiir Gooble ayaa waxaa xilka Taliyaha Nabadsugida ee Gobolka Banaadir loogu magacaabay inuu noqdo G/lle Muxidiin Maxamed Jaamac (Warbac), isagoo bedelaya Taliyihii hore.

Sidoo kale Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa waxaa uu faray dhammaan agaasinada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonk Qaranka ee NISA inuu ka guto mid walba waajibaadka kaga aadan.

Magacaabista uu sameeyay Bashiir Gooble ayaa waxaa ay kusoo aaday, iyada oo uu khilaaf xoogan ka dhexeeyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista..

SOMALI NEWS

To Top