WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Soomaaliya Qofkii labaad oo laga helay cudurka Caronavirus-Akhriso

Muqdisho (HM)-Wasaarada Caafimaadka  Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in qofkii labaad oo ku sugan magaalada Muqdisho laga helay caabuqa Caronavirus kadib baadhitaan lagu sameeyay.

War goordhaw kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu sheegay in caabuqa Caronavirus laga helay mid kamid ah afar sargaal oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Talyaaniga dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Saraakiishan ayaana lagu karintiilay meel gaar ah markii ay kasoo degeen magaalada Muqdisho, waxaana wali xaalad karantiil ah ku jira sadexda sargaal kale oo la socday ninkan hada laga helay.

Wasaarada Caafimaadka ayaa horey u xaqiijisay in Caronavirus laga helay qof ka yimid dalka dibadiisa gaar ahaan Shiinaha, waxa uuna kiiskan maanta soo shaac baxay noqonayaa kii labaad ee laga helo Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah.

 

SOMALI NEWS

To Top