suugaan

DEG DEG:-Qarax xoogan oo ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada

Jugta qarax xoogan ayaa waxaa daqiiqado kahor laga maqlay inta bdan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Caasimadda Muqdisho.

Qaraxa ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan inuu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku qarxay, xili uu marayay Isgoyska Ceel-gaabta gaar ahaan wadada aada dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, welina lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Booliska ayaa durbo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray aaga oo dhan ah, isla markaana waxaa halkaas kusii qul-qulaya gaadiidka Gurmadka deg dega ah.

SOMALI NEWS

To Top