WARARKA SOOMAALI

Go’aanka Maxkamadda ICJ ee Kiiska Dacwadda ee Somalia iyo Kenya

Waxaa hadda Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ka bilowday go’aan ka gaarista dacwadda badda Kenya iyo Soomaaliya.

Garsoorayaasha ayaa hadda hadlaya iyadoo laga war sugayo inay soo saaraan go’aanka kama dambeysta ee ku saabsan muranka badda.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamaed Guuleed, uuna ka mid yahay xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo kooxda qareenada ee difaacaya Soomaaliya ayaa ku sugan Maxkamada.

Koox garyaqaano ah oo ka kooban 15 xubood oo ay hoggaaminayso Joan Donoghue oo ah Madaxweynaha maxkamadda ICJ ayaa si rasmi ah waxay u soo gudbin doonaan xukunka maxkamadda dunida ugu sarreysa, saacadda Geeska Afrika marka ay tahay 4-ta galabnimo.

Go’aanka maxkamadda ICJ ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho xiriirka labada dal iyo waliba dhulka la isku hayo oo ah dhul hodon ku ah shidaal, kaasi oo cabbirkiisku gaarayo 160,000 oo kilomitar, oo ah saddex geesood isku-wareeg ah oo ku yaalla Badweynta Hindiya.

Go’aanka Maxkamadda ICJ ee Kiiska Dacwadda ee Somalia iyo Kenya
To Top