WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Madaxweynaha Somaliland oo muddo kordhin laba sano loo sameeyay

Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta oo sabti kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, iyagoona muddo kordhin u sameeyay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Golaha Guurtida, ayaa ugu kordhiyey labo sano xili hawleedkiisa Madaxweyne Muuse Biix Cabdi, kadib markii Cod gacan taag ah loo qaaday codeynta muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha

Sidoo kale, Golaha Guurtida Somaliland, ayaa iyana kordhistay xiligooda, iyagoo gaarsiiyey muddo hawleedkooda illaa iyo 2027-ka.

Dhinaca kale Madaxda Xisbiyada mucaaraadka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa ka horyimid muddo kordhinta labada sanno ee Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xili hawleedkiisa lagu daray 2 sanno.

DEG DEG: Madaxweynaha Somaliland oo muddo kordhin laba sano loo sameeyay
To Top