WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo dib ula wareegay degaano ay ka baxeen Ciidanka Dowladda & sababta

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa dhaca bariga Gobolkaas ayaa waxaa ay ku warramayaan inay dib ula wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib markii halkaas ay isaga baxeen Ciidanka Dowladda.

Al-shabaab ayaa dib ula wareegtay gacan ku heynta deegaanada kala ah Moqokori iyo Yasooman oo ka tirsan Gobolka, waxaana gebi ahaan deegaanadaas baneeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa macwiisleyda ee isaga baxay labada deegaan ayaa Saldhigtay degmooyinka Maxaas iyo Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, isla markaana halkaas ay haatan ku sugan yihiin.

Sababta keentay ka bixitaanka Ciidamada deegaanada laga qabsaday Ururka Al-shabaab ay tahay khilaaf soo kala dhex-galay hoggaanada kala duwan ee ciidamadda howlgaladaan wada Gobolka.

Sidoo kale waxaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday dadaalo uu hormuud u ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu ku doonayay inuu ciidamadda ugu qanciyo iney deeganadaasi joogaan, wixii tabasha ah ay qabaanna la xalin doono.

Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii dambe ka socday howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, isla markaana Gobolka ay ka dhaceen dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan oo dhinacyadii dagaalamay soo kala gaaray.

Al-shabaab oo dib ula wareegay degaano ay ka baxeen Ciidanka Dowladda & sababta
To Top